Sahan Media Muqdisho: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa shaaciyey jadwalka taariikhda qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddigu waxa uu sheegay in jadwalkan loo dejiyey si waafaqsan qodobka 56-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, qodobka 18-aad faqraddiisa labaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyo qodobka 2-aad ee Sharciga Doorashooyinka, kuwaas oo dhigaya awoodda guddiga ee cayimista taariikhda doorashooyinka.
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la qabanayaa 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qorsheeyey 15-ka May 2027.
Guddigu waxa uu sheegay in muddada xilhaynta madaxweynaha ay tahay shan sano, isla markaana ay ku bilaabato maalinta xilka loo dhaariyo.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sidoo kale shaaciyey jadwalka hawlaha diyaarinta doorashooyinka iyo waqtiyada loo asteeyey qabsoomidda marxaladaha kala duwan.
Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha: Waxaa la qorsheeyey in diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha muddada labadaatan iyo kow maalmood ah ay bilaabato 1-da November 2026, si loo xaqiijiyo ka qaybgalka bulshada ee doorashooyinka.
Soo gudbinta liisaska murashaxiinta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka: Waxaa loo asteeyey 22-ka November 2026. Guddigu waxa uu sheegay in arrintani waafaqsan tahay qodobka 42-aad, faqraddiisa koowaad, ee Sharciga Doorashooyinka, kaas oo dhigaya in liisaska murashaxiinta doorashada la soo gudbiyo 120 maalmood ka hor maalinta doorashada.
Soo saarista liiska kumeelgaarka ah ee codbixiyeyaasha: Waxaa loo qorsheeyey 21-ka Janaayo 2027, iyadoo la raacayo qodobka 34-aad, faqraddiisa koowaad, ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigu waxa uu sheegay in marka la dhammeystiro diiwaangelinta, guddigu soo saari doono liiska kumeelgaarka ah ee codbixiyeyaasha muddo laba bilood gudahood ah.


