Sahan Media Muqdisho: Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray mideynta aragtiyohooda siyaasadeed iyo sidii loo yeelan lahaa mowqif mideysan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa la sheegay inay isla gorfeeyeen xaaladda uu haatan dalku ku sugan yahay, dedaalada dhexdhexaadinta mucaaradka iyo dowladda & sidii ay isaga kaashan lahaayeen dejinta qorshe lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya.
Kulankan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo ay isku aragti ka duwan yihiin dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Hoggaamiyayaasha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay kaga falcelinayaan qorshaha doorasho ee ay dejisey dowladda federalka ah ee Soomaaliya, xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray inay ka soo qaybgalaan gogol uu dhigay Villa Somalia.


