Sahan Media Muqdisho: Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo qof ay ka barakaceen iska horimaadyo hubeysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay koonfurta Itoobiya, kuwaas oo u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, iyadoo dadkan ay magangelyo ka raadsadeen dalka Kenya.
Dagaalladan ayaa ka qarxay magaalada Mooyaale, oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Kenya, kadib markii halkaas laga taagay calanka dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Magaalada ayaa waxaa si wadajir ah u maamula dowlad-deegaannada Soomaalida iyo Oromada, iyadoo murannada dhanka xuduudaha ay muddooyinkii dambe salka u ahaayeen xiisadaha ka jira deegaanka.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad badan oo ka mid ah dadka ka tallaabay xadka ay yihiin haween iyo carruur, kuwaas oo qaarkood hoy ka helay eheladoyo bulshada deegaanka, halka kuwo kalena ay ku jiraan hoy ku-meel-gaar ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa ka digtay baahida degdegga ah ee loo qabo gargaar bani’aadannimo, gaar ahaan cunto, biyo nadiif ah, hoy, adeegyada fayadhowrka iyo daryeelka caafimaadka.
Afhayeenka UNHCR, Yujin Byun, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in tan iyo Khamiistii uu si weyn u kordhay tirada dadka ka tallaabaya Itoobiya kuna galaya Kenya, gaar ahaan dhulka xadka ee Mooyaale.
UNHCR ayaa sheegtay inay la shaqaynayso Laanqayrta Cas ee Kenya iyo hay’adaha kale ee bani’aadannimada si loo taageero gurmadka ay hoggaaminayso dowladda Kenya.
“Mudnaantayada koowaad waa inaan aqoonsanno baahiyaha degdegga ah ee dadka amniga raadsanaya, dabadeedna aan daboolno baahiyahaas, annagoo sidoo kale taageerayna bulshada deegaanka ee martigelinaysa,” ayay hay’addu sheegtay.
Itoobiya, oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika, waxaa ka socda colaado hubeysan oo meelo kala duwan ka jira. Murannada xuduudaha u dhexeeya dowlad-deegaannada dalka ayaa marar badan sababa iska horimaadyo, iyadoo xuduudaha maamul ee la dejiyay sannadkii 1991 ay weli yihiin meelaha ugu badan ee ay xiisaduhu ka dhashaan.
Dowladda federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale muddo sannado ah dagaallo kula jirtay kooxo hubeysan oo ka dagaallama dowlad-deegaannada Oromada iyo Amxaarada.


