HomeWararka MaantaShariif Sheekh Axmed oo ka digay siyaasadeynta Ciidanka xoogga dalka

Shariif Sheekh Axmed oo ka digay siyaasadeynta Ciidanka xoogga dalka

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay xaaladda ciidanka xoogga dalka, isaga oo tacsi u diray qoysaska, waalidiinta, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen askarta ku geeriyootay dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidanka xoogga dalka ay yihiin hantida ugu qaalisan ee qaranku leeyahay, isla markaana aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed.Waxa uu walaac ka muujiyay khasaaraha baaxadda leh ee soo noqnoqday ee ciidamada soo gaaraya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaado sababaha keenay khasaaraha, lana caddeeyo cid kasta oo ku lug leh go’aannada iyo tallaabooyinka ciidanka lagu geeyay goobaha dagaalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ku baaqay in la xaqiijiyo madax-bannaanida taliska ciidanka, lagana ilaaliyo faragelinta siyaasadeed ee dhaawici karta kalsoonida, qorsheynta, qorshe-hawlgaleedka iyo wadajirka ciidamada.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed ama loollan shaqsiyeed.

Madaxweynihii hore ayaa mas’uuliyadda khasaaraha ciidanka dusha ka saaray hoggaanka taliska, isaga oo ku baaqay in la sameeyo baaritaan lagu ogaanayo sababaha keenay dhimashada iyo dhaawaca askarta, lana caddeeyo cid kasta oo mas’uul ka ah go’aannada hawlgallada.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la sameeyo qorshe qaran oo lagu daryeelayo dhaawacyada ciidamada, laguna taageerayo qoysaska askarta ku dhimatay difaaca dalka, si loo ilaaliyo xuquuqdooda loona yareeyo dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambayn ka digay in nafta iyo dhiigga ciidamada loo adeegsado loollan siyaasadeed, isaga oo ku adkeeyay in aan la aqbali karin in naf-hurnimada askarta loo beddelo dano gaar ah oo dhaawacaya midnimada iyo mustaqbalka dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments