HomeWararka MaantaSaddex suxufi oo boolisku xabsiga dhigay muddo 10 maalmood gudahood a

Saddex suxufi oo boolisku xabsiga dhigay muddo 10 maalmood gudahood a

Sahan Media Muqdisho: Booliska Somaliland ayaa muddo 10 maalmood gudahood ah bishan Oktoobar xidhay saddex suxufi oo ka hawlgala magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, kuwaas oo laba ka mid ah markii dambe la sii daayey, halka midka saddexaad uu weli xabsiga ku jiro isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, sida uu sheegay ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS).

Warbixin uu SJS soo saaray 30-kii Oktoobar ayuu ku sheegay in xadhigyadu dhaceen intii u dhexaysay 19-kii iyo 28-kii bishan, isla markaana ay la xidhiidheen waraysiyo iyo warbixino ay suxufiyiintu ka diyaariyeen arrimo siyaasadeed, cabashooyin bulsho iyo dagaallo ka dhacay deegaanka Moyale ee Itoobiya.

Suxufiga weli xidhan ayaa ah Cabdiraxmaan Maxamed Ege oo ka tirsan telefishanka Horn Cable TV, kaas oo 22-kii Oktoobar la xidhay kaddib markii uu ka jawaabay yeedhmo uga timid Waaxda Baadhista Dambiyada (CID) ee Hargeysa. Sida ay sheegtay hay’adda Guddida Ilaalinta Suxufiyiinta (CPJ), xadhiggiisa ayaa la xidhiidhay waraysi uu 15-kii Oktoobar la yeeshay Cabdiqaadir Sharaay oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya. CPJ waxay sheegtay in suxufiga wax laga weydiiyey waraysigaas.

Dhanka kale, magaalada Burco waxa 28-kii Oktoobar lagu xidhay Cabdiwahaab Maxamed Cismaan oo loo yaqaan Beeldaaje, kana tirsan MM TV, kaddib markii uu waraysi la yeeshay odayaal dhaqameed ka hadlayey dagaallada ka socda deegaanka Moyale ee Itoobiya. Sida uu SJS sheegay, suxufiga ayaa isla maalintaas la sii daayey isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Kiiska saddexaad ayaa ka dhacay magaalada Berbera, halkaas oo 19-kii Oktoobar boolisku xabsiga dhigeen Cabdulxakiim Maxamuud Maxamed oo loo yaqaan Xoogsade. Waxa la sheegay in xadhiggiisu ka dambeeyey muuqaal uu baahiyey oo ay ku jireen rag hubaysan oo cabasho ka muujinayey mashruuca dhismaha Laasgeel. Waxaana la sii daayey 20-kii Oktoobar, hase yeeshee SJS ayaa sheegay in uu markii dambe galay dhuumasho.

Ururka SJS ayaa ugu baaqay Somaliland in la sii daayo Cabdiraxmaan Maxamed Ege, isla markaana la joojiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay xannibaadaha lagu hayo suxufiyiinta. Dhankiisa, CPJ waxay sheegtay in ay 26-kii Oktoobar faallo ka dalbatay Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxtooyada Somaliland, balse aanay jawaab ka helin. SJS-na waxa uu sheegay in aanu helin wax jawaab ah oo boolisku ka bixiyeen xadhigyada uu diiwaangeliyey.

Sixufi Cabdiraxmaan Maxamed Ege ayaa weli ku jira xabsiga isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, halka labadii suxufi ee kale la sii daayey. Labada urur ee SJS iyo CPJ ayaa sheegay in xadhigyadu daba socdeen hawlo warbaahineed, hase yeeshee aanay jirin faahfaahin rasmi ah oo ay masuuliyiinta Somaliland ka bixiyeen sababaha sharci ee xadhigooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments