HomeWararka MaantaSoomaaliya oo mowqif cusub ka qaadatay qaraarka Qaramada Midoobay ee Saxaraha Galbeed

Soomaaliya oo mowqif cusub ka qaadatay qaraarka Qaramada Midoobay ee Saxaraha Galbeed

Sahan Media Muqdisho: Soomaaliya ayaa isbeddel muuqda ku muujisay mowqifkeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan muranka Saxaraha Galbeed, kaddib markii ay ka aamustay codbixintii qabyo-qaraar uu Maraykanku horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu baahiyay wargeyska Yabiladi ee Morocco.

Sida warbixintu sheegtay, go’aanka Soomaaliya ayaa ka duwan mowqifkii ay qaadatay 30-kii Oktoobar 2025, markaas oo ay taageertay qaraarkii tirsigiisu ahaa 2797, kaas oo muujinayay taageerada qorshaha ismaamulka ee Morocco u soo bandhigtay xallinta khilaafka Saxaraha Galbeed.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa taageertay qabyo-qaraar kale oo uu Ruushku soo bandhigay, arrintaas oo wargeysku ku tilmaamay isbeddel diblomaasiyadeed oo muujinaya in Muqdisho ay dib u eegayso mowqifkeedii hore ee ku aaddanaa arrintan.

Warbixinta Yabiladi ayaa tallaabooyinkan ku fasirtay inay muujinayaan isu soo dhowaansho sii kordhaya oo dhexmaraya Soomaaliya iyo Aljeeriya, oo muddo dheer taageero u ahayd mowqifka madax-bannaanida Saxaraha Galbeed.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay hore u jireen hadallo is-khilaafsan oo kasoo baxay dhinaca Soomaaliya. Bishii Diseembar 2025, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegayay in Muqdisho ay aqoonsatay madax-bannaanida Morocco ee dhulka Saxaraha Galbeed.

Hase yeeshee, warbixintu waxay xustay in mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay marar kala duwan muujiyeen taageerada mowqifka Morocco, gaar ahaan kulan ka dhacay magaalada Rabat 28-kii Nofeembar, kaas oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu kula kulmay dhiggiisa Morocco, Naasir Buriita.

Isbeddelkan ayaa dib u soo nooleynaya su’aalaha ku saabsan jihada siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xiriirka ay la leedahay dalalka ku loollamaya saameynta diblomaasiyadeed ee Waqooyiga Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments