HomeWararka MaantaXasan Sheekh oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayey xaaladda guud ee Soomaaliy ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka iska-casilo, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac oo soo jiitamayay in ka badan afar sano.

Madaxweyne Deni oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Puntland ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku fashilmay isku haynta dadka iyo dalka, isla markaana uu suuragelin waayey in la qabto doorasho heshiis siyaasadeed lagu yahay.

Waxa uu sheegay in Puntland tahay qayb kamid ah Soomaaliya ayna dhaqaale iyo waqti badan gelisey dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in taladiisu ay tahay mid uu ku sababeeyey danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland waa qayb kamid ah Soomaaliya waqti badan iyo dhaqaale badanna gelisey Dowladnimada Soomaaliya, waxaanse Xasan ugu baaqayaa in uu is casilo, dalkana u turo”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments