HomeWararka MaantaUganda oo xaqiijisay in ciidamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka baxay ay...

Uganda oo xaqiijisay in ciidamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka baxay ay dalkooda dib ugu laabteen

Sahan Media Muqdisho: Milatariga Uganda ayaa maanta Isniinta ah sheegay in kooxdii ugu horreysay ee askarta ah ee ku sugnaa Soomaaliya ay dib ugu laabteen dalkooda, iyadoo dowladda Kampala ay bilowday qorshe ay dhammaan ciidamadeeda dalka kaga saarayso dhammaadka sannadka 2027.

Bixitaanka ciidamada ayaa qayb ka ah qorshe marxaladaysan oo khuseeya askarta Uganda ee ku jooga heshiisyada laba geesoodka ah iyo kuwa ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Korneyl Chris Magezi, oo ah ku-simaha agaasimaha warfaafinta ee Wasaaradda Difaaca Uganda, ayaa sheegay in qorshahan uu soo afjari doono hawlgallada taageerada nabadda ee Uganda ay Soomaaliya ka waday muddo 20 sano ah.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa isaguna xaqiijiyay bilowga bixitaanka, isagoo sheegay in amniga Soomaaliya lagu wareejinayo ciidamada dalka kaddib labaatan sano oo ay ciidamada Uganda ka qayb qaadanayeen hawlgallada milatari.

Uganda ayaa ciidamadeeda ugu horreeyay Soomaaliya geysay sannadkii 2007, iyadoo markii dambe noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee ciidamadooda ku biiriyay hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Bixitaanka ayaa ku soo beegmaya xilli AUSSOM ay wajahayo caqabado dhaqaale, kaddib markii Mareykanku uu Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan taageeri doonin cusboonaysiinta waajibaadka hawlgalka ee la horgeynayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Diseembar.

Dhanka kale, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa dhimay boqolkiiba 25 miisaaniyaddiisa, taasoo saamayn ku yeelatay taageerada saadka ee ciidamada ka howlgala furimaha hore.

Si kastaba, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sheegay in Uganda ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, xitaa haddii ay yaraato kaalinta beesha caalamka, isagoo ku adkeystay in dalalka Afrika ay awood u leeyihiin

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments