HomeWararka MaantaHirshabeelle oo digniin u dirtay gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha Baladweyne

Hirshabeelle oo digniin u dirtay gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha Baladweyne

Sahan Media Muqdisho: Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle  Faarax Maxamed Cismaan ayaa digniin u diray gaadiidleyda gobolka Hiiraan iyo shirkadaha diyaaradaha ka howlgala garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Warsaxafadeedkan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha aysan qaadan karin amar aan ka soo bixin Wasaaradda, iyadoo sidoo kale shirkadaha diyaaradaha looga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.

“ Waxaa si rasmi ah looga digayaa gaadiidleyda Gobolka Hiiraan iyo shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif in aysan qaadan karin amar aan ka soo bixin Wasaaradda Gaadiidka iyo hawada Hirshabeelle , lagana fogaado amar kasta oo aan wasaaradda ka imaan,waxaa sidoo kale looga digayaa qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ganacsiga in ay ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan, ayna ku ekaadaan gudashada waajibaadkooda ganacsi.’’ ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cid kasta oo jebisa awaamiirteeda laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ee dhawaan maamulka Hirshabeelle ay sheegeen inay xilka ka qaadeen islamarkana diiday ayaa warsaxafadeed uu soo saaray maalmo ka hor ku amray shirkaddaha diyaaradaha inaysan soo qaadi karin qof ka socda maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Maxamed Carab ayaa warsaxafadeed uu soo saaray ku sheegay in la joojiyay kastankii lagu qaadi jiray canshuuraha ee Matabaan islamarkana loo wareejiyay deegaanka Ceelgaal oo kastan cusub la dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments