Google search engine
HomeWararka MaantaAadan Madoobe oo tacsi ugu tagay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho

Aadan Madoobe oo tacsi ugu tagay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa safiirka Imaaraadka uga tacsiyeeyay khasaarihii ka soo gaaray Ciidamadooda. Aadan Madoobe oo booqday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa uga tacsiyeeyo Danjire Axmed Juma Al-Rumeysi dhacdadii Toogashada Al-Shabaab.

Nin horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo ku biiray Ciidanka Xoogga dalka ayaa Sabtidii shalay toogasho ku dilay shan qof oo ay ku jiraan 3 ka tirsan ciidamada Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Bahrain oo ku sugnaa xerada tababarka Jeneraal Gordon.

Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen baraha ay Internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku sheegteen weerarka, iyagoo ku sifeeyay Imaaraatka mid cadow ku ah Shareecada Islaamka oo dowladda Soomaaliya ku taageeray dagaalka ay kula jirto.

Madoobe ayaa sidoo kale baaq la mid ah u diray Baxreyn, kaasoo ku saabsan dilka sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Baxreyn oo lagu dilay isla saldhiga ay ku leeyihiin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas, isagoo muujiyay sida uu u garab taagan yahay Imaaraadka iyo Baxreyn oo ah laba dal oo Khaliijka ah oo dhinacyo badan ka taageera Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments