Sahan Media Muqdisho: Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weerar uu kaga yimid shalay galab oo Sabti ahayd kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar abaabulan ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ah deegaan muhiim ah oo Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa geystay khasaare kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee dagaalkaasi ku geeriyootay.
Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana xigay israsaaseyn xooggan oo dhexmartay maleeshiyaad iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa NISA. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas xooggan ay socotay muddo saacado ah, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka federaalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaas
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay ka fuliyaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay xoojiyeen weerarrada ay ku qaadayaan fariisimaha ciidamada.
Inkastoo guulo militari ay ka gaareen ciidamada dowladda ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, kooxda ayaa weli awood u leh inay fuliyaan weeraro adag.