Sahan Media Muqdisho: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee dhawaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha dekedda Ra’s Isa ee dalka Yemen, sida uu Sabtidii sheegay afhayeenkiisa.
Guterres waxa uu “aad uga walaacsan yahay duqeymaha cirka ah ee uu Maraykanku ka fuliyey gudaha iyo hareeraha dekedda Ra’s Isa ee dalka Yemen intii u dhaxaysay 17 iyo 18 April, kuwaas oo la sheegay in ay sababeen dhaawacyo badan oo rayid ah, oo ay ku jiraan shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu Stephane Dujarric ku yidhi hadal uu soo saaray.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii duqeymo cirka ah oo Mareykanka uu la beegsaday dekedda ku taal gobolka Al Xudeydah ee Yemen gelinkii dambe ee Khamiista la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 74 qof, oo ay ku jiraan shan shaqaale caafimaad ah.
Guterres ayaa sidoo kale “ka walaacsan” warbixinada ku saabsan burbur weyn oo soo gaaray kaabayaasha dekedda iyo suurtagalnimada in shidaal uu ku soo dhaco badda cas, ayuu yiri Dujarric.
Isagoo muujinaya walaac “qoto dheer” oo ku saabsan gantaallada iyo duqeymaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah Israa’iil iyo Badda Cas, Guterres ayaa ugu baaqay kooxda inay si degdeg ah u joojiyaan weerarradan.
Isagoo hoosta ka xariiqay in qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriira weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga iyo kuwa ganacsiga ay tahay in si buuxda loo ixtiraamo, Guterres ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in mar walba la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.
Guterres “waxa uu aad uga walaacsan yahay khatarta ka dhalan karta in gobolka uu sii xumaado, wuxuuna sii wadaa inuu ku booriyo dhammaan inay is xakameeyaan,” ayuu yiri Dujarric.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku celiyay baaqiisii ahaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan UN-ka iyo shaqaalaha kale ee ay Xuuthiyiinta u xiran yihiin, sida uu hadalka u dhigay.