Google search engine
HomeWararka MaantaWaa sidee diiwaan galinta codbixiyayaasha sadaxda dagmo ee G/Banaadir?

Waa sidee diiwaan galinta codbixiyayaasha sadaxda dagmo ee G/Banaadir?

Sahan Media Muqdisho: Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka soo socda ee bisha May 2026 ayaa si rasmi ah uga socota saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmooyinka Xamarweyne, Shibis, iyo Boondheere ayaa lagu arkayaa dadweyne si weyn u soo baxay, kuwaas oo u dareeray xarumaha isdiiwaangelinta.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, iyadoo horey diiwaangelinta looga bilaabay degmada Shangaani. dagmooyinkan ayaa noqotay kuwii ugu horreysay ee gobolka Banaadir laga bilaabo diwaan galintan.

Dadweynaha ka kala yimid Xamarweyne, Shibis iyo Boondheere ayaa muujiyay dareen rajo hor leh, iyagoo sheegay in ay muddo ka badan 50 sano kadib fursad u helayaan inay codkooda ku doortaan ciddii mataleysa.

Dowladda federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan codbixiyayaasha gobolka Banaadir, in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah oo ay isdiiwaangeliyaan si ay u helaan xaqa ay ugu codeyn karaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments