Google search engine
HomeWararka MaantaMuxuu salka ku hayaa buuqa ka jira golaha shacabka?

Muxuu salka ku hayaa buuqa ka jira golaha shacabka?

Sahan Media Muqdisho: Isqab-qabsi badan iyo buuq ayaa hareeyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, uu ku adkeystay go’aankii lagu eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Xildhibaano badan ayaa sheegay in aysan waafaqsanayn nidaamka baarlamaanka oo si adag uga horyimid tallaabadaas uu qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka iyagoo ku adkeysanaya in arrintan ay salka ku heysa dano siyaasadeed.

Dhanka kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku adkeysanaya go’aankiisa isagoo ku andacoonaya in xildhibaanku jabiyay sharruucda Golaha shacabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments