Sahan Media Muqdisho: Warar soo baxaya ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay saakay kusoo dhaceen xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho, hoobiyayaashaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Hoobiyeyaasha oo lasoo tuuray aroortii hore ee saaka ayaa ku kala dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwa kale ay ku dheceen goobo banaan ah.
Warbixinno la helay ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah kadib markii ay madaafiicda ugu tagtay xaafadahooda, waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawacyo badan oo aan la xaqiijin.
ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.