Google search engine
HomeSportArgentiin oo ku guuleysatay Copa America 2024

Argentiin oo ku guuleysatay Copa America 2024

Sahan media Muqdisho: Argentiin ayaa ku guuleysatay Copa America 2024 ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Colombia waqtigii dheeriga ahaa ka dib markii waqtigii caadiga ahaa uu ku dhamaaday 0-0.

Ciyaarta finalka oo lagu qabtay garoonka Hard Rock Stadium ee magaalada Miami ayaa waxa ay bilaabatay saacad iyo bar kadib sababo la xiriira dhibaatooyin dhanka ammaanka ah oo ay sababeen taageerayaasha isku dayaya in ay kusoo galaan tigidho la’aan.

Finalka tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka kubadda cagta South America ee CONMEBOL ee dalka Mareykanka, Argentina oo labo jeer oo qura laga soo badiyay 61-kii kulan ee ugu dambeeyay ayaa waxa ay garaacday Colombia oo aan laga badinin 28 kulan, waxaana goolka u dhaliyay Lautaro Martinez. Daqiiqadii 112-aad

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi dhaawac ayaa dhabarka ka soo gaaray daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta waxaana lagu badalay Nicolas Gonzalez daqiiqadii 66-aad.

Guushaan ayay Argentina ku hanatay koobkeedii 16-aad ee tartanka, taasoo ka dhigtay inay noqoto xulkii ugu guulaha badnaa taariikhda tartanka.

Argentina waxa ay hore u qaaday koobka 1921, 1925, 1927, 1929, 1937, 1941, 1945, 1946, 1947, 1955, 1957, 1959, 1991, 1993, and 2021.

Fanaanada caanka ah ee reer Colombia ee Shakira ayaa bandhig faneed soo bandhigtay intii lagu jiray nasashada ciyaarta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments