Sahan media Muqdisho: Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulka Galmudug Cali Baaashi Cabdullaahi Cigaal ayaa yiri:
“Shiila-madow waxaa soo galay gawaari siday oo hub sharci darro ah, lama filayn, wax la filayayna maahan in hubkaasi yimaado Galmudug.
Wuxuu sheegay in gawaarida oo lahaa baabuurta qabaalada ee waaweyn oo ah nooca isjiidk ah ayna ku rarnaayeen hub ay ka soo talaabeen xadka dhanka dowlad deegaanka Soomaalida.
“Labo kale oo ka mid ahaa baaruurta oo afar ahayd ayaa u soo tallaabay dhanka Galmudug, labo kalana waxay wali ku suganayn yihiin dhanka dowlad deegaanka” ayuu yiri wasiir Cali.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, gawaarida ayaa markii ay soo galeen aagga, waxaa hor istaagay malleeshiyaad hubaysan sidaasna waxaa ku bilowday dagaal dhexmaray ciidan la socday gaadiidka hubka waday iyo maleeshiyaadkaas.
Dagaalka goobta ka dhacay iyo hubka ay la wareegeen dadka deeganka ayuu ku tilmaamay in uu ahaa “fal fool xun” wasiir ku xigeenka amniga Galmudg.
Ugaaska guud ee dadka deggan halka uu dagaalku ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhaqan ahaan cid qaadata masuuliyadda halkaas ka dhacay, isaga oo la hadlayay Galmudug iyo dawladda Soomaaliya labadaba.
Wasiir Cali, ayaa intaa ku daray in baabuurta ay galbinayeen ciidamo ka tirsan hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA. Waxa uu sheegay in wasaaradda amnigu ay wadashaqayn la leedahay hay’adda NISA, balse aan wax xog ah oo ku saabsan ciidankaas aysan hay’addu la wadaagin wasaaradda amniga iyo maamulkaba.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jriin xog ku saabsan hubkaas oo ay haysay dawladda Galmudug.
Dhanka kale wasaaradda amniga ee Galmudug ayaa sheegtay in baritaan ay sameyeen ay ku ogaadeen in baabuurtu ay farriin qaldan siiyeen dadka deegaanka oo ay u sheegeen in ay wadaan ateenooyin iyo qalab fudud, taasina ay keentay in dadku ay shakiyaan oo ay weeraraan baabuurta.