Sahan media Muqdisho: Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in ciidamada militariga Ruushka ay galeen saldhig ciidamada cirka ee Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, kadib go’aan dhawaan kasoo baxay taliska militariga Niger oo ciidamada Mareykanka looga saaray dalkaasi.
Warka ku saabsan in Ruushka la siinayo saldhigga hawada ayaa daba socday ka dib markii taliyayaasha militariga Niger ay u sheegeen Washington bishii Maarso inay qasab tahay inay la baxaan ku dhawaad 1,000 ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka.
Kahor afgambi militari oo dhacay bishii Luulyo ee sanadkii hore, Niger waxa ay ahayd saaxiibka muhiimka ah ee dagaalka Mareykanka kula jira kooxda ISIL (ISIS) iyo xiriirka al-Qaacida ee gobolka Saaxil ee Afrika, oo hadda ay ka socdaan rabshado aad u badan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka Khamiistii, kaas oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, waxa uu shaaca ka qaaday in ciidammada Ruushku ay joogeen, balse aanay ku dhex milmin ciidammada Maraykanka ee ku sugan Airbase 101, oo ku dheggan gegida dayuuradaha ee Diori Hamani ee caasimadda Niger ee Niamey.
Ku daabulista ciidamada Ruushka ee saldhiga ayaa dhigaya in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Moscow ay aad isugu dhow yihiin xilli xiriirka labada dal uu sii xumaanayo xilli Washington ay taageerto Ukraine ka dib duulaankii Ruushka ee deriskooda.
“[Xaaladdu] ma fiicna laakiin, muddada gaaban, waa la maareyn karaa,” sarkaalka Mareykanka ayaa yiri.
Mar wax laga weydiiyay warbxinta saldhigga hawada ee uu qoray saxafi, xoghayaha gaashaandhigga Austin ayaa sheegay Jimcihii in uusan u arkin arrin muhiim ah maadaama ciidamada Ruushka aysan heli karin shaqaale iyo qalab Mareykan ah.
“Airbase 101 oo ah halka ay ciidamadeenu ku sugan yihiin, waa saldhig ciidamada cirka ee Niger oo la wadaago garoon caalami ah oo ku yaal magaalada caasimadda ah. Ruushku waxay ku sugan yihiin dhisme gaar ah mana helaan ciidamada Maraykanka ama ma helaan qalabkeena,” Austin ayaa u sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Honolulu.
“Waxaan had iyo jeer diirada saarayaa badbaadada iyo ilaalinta ciidamadeena, [waana] wax aan sii wadi doono inaan samayno,” ayuu yiri.