Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweynaha Kenya oo magacaabay taliyaha cusub ee difaaca

Madaxweynaha Kenya oo magacaabay taliyaha cusub ee difaaca

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Khamiistii Charles Muriu Kahariri u magacaabay taliyaha difaaca, laba toddobaad kadib geeridii taliyihii hore ee militariga Gen. Francis Ogolla oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Gen. Ogolla ayaa ka mid ahaa 10 ka mid ah saraakiisha milateriga ee ku dhintay markii diyaarad ciidan oo ay la socdeen ay ku burburtay deegaan fog oo waqooyi-galbeed Kenya 18-kii Abriil.

Ruto ayaa dalacsiiyay Lt. Gen. Kahariri, oo ahaa ku xigeenka Ogolla, waxaana uu dalacsiiyay darajada Jeneraal, waana darajada ugu sareysa ee militariga ee ciidamada Kenya.

Sida ayaa sidoo kale John Omenda loogu dalacsiiyay taliye ku xigeenka ciidamada difaaca iyo darajada Sarreeye Guud.

Brig. Fatuma Gaiti Axmed ayaa loo dalacsiiyay darajada Jeneraal, waxaana loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada cirka Kenya, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo muslin ah ee xilkaas qabato taariikhda Kenya.

Sidoo kale Maj. Gen. Paul Owuor Otieno ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada badda Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments