Sahan media Muqdisho: Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansxiyay Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Guud ahaan tirada soo xaadirtay fadhiga oo ahaa 173 Xildhibaan oo labada aqal ah ayaa gebi ahaanba anisixiyey xeerkan, iyadoo aaney jirin cid ka aamustay ama diiday ansixinta Hindisaha Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyina Qaranka iyo Sohdimaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhamaan dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah, iyadoo dowlad goboleedyada qaar ka biyo diidsan yihiin hirgelinta doorashadan.