Sahan media Muqdisho: War wada jira oo ay soo saareen labada guddoon ee labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dib u furmi doonaan kulamada xildhibaannada kaddib fasax ay in muddo ah ku maqnaayeen.
Guddoonka ayaa go’aamiyay in kalfadhiga 5-aad uu ku furmo kulan wadajir ah oo xildhibaannada labada aqal yeelan doonaan, kaas oo dhici doona Sabtida soo aadan, taariikhduna ku beegan tahay 6/07/2024.
In kastoo ajandayaasha kalfadhigan aan la shaacin haddana waxa ugu muhiimsanaan doona doodda dhamaystirka dastuurka kmg ah oo afartiisa cutub ee ugu horreeya, inta dib u eegis lagu sameeyay la ansixiyay. Waxaana la guda galayaa cutubyada kale ee haray.
Sidoo kale waxa golaha horyaala dib u eegista iyo dhameystirka shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka qaranka ee la filayo inay dhacaan sanadka 2026.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga, isagoo diiradda saari doona xaaladdihii ugu dambeeyay ee wadanka.