Sahan media Muqdisho: kulan horay loo sii sheegay ayay xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa si aqlabiyad leh loogu meel-mariyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo dood xoogan ay ka taagnayd. Nadaamka Madaxweynenimada wuxuu meesha ka saarayaa booskii Raisalwasaaraha, madaxweynaha jamhuuriyadda ayayna hoos imaanayaan golaha wasiirrada.
Habraacan waxaa ogolaaday 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha baarlamaanka.
Arrintan ayay ujeedadeedu tahay in isbeddal lagu sameeyo qodobo kamid ah Dastuurka, gaar ahaan nidaamka dowladnimada, ayada oo loo guuro madaxweyne iyo ku xigeen.