Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr Xassan Shilkh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen madada Maamulka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Shacabka Puntland.
Qaar ka mid ah Madaxada dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa caleema saarka ka qeyb galaya, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uusan imaanin sababo la xiriira khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni oo wixii ka dambeeyay doorashadii Federaalka ee 15 May 2022 uu xiriirkooda xumaaday.