Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka tanaasulay ololihiisii dib u doorashada waxa uuna taageeray haweeneyda madaxweyne ku xigeenka u ah ee Kamala Harris in ay ku guuleysto xilka musharaxa Dimuqraadiga, waa go’aan aan caadi ahayn kaas oo kor u qaadaya loolanka adag e ka jira diyaar garowga doorashada Aqalka Cad.
Biden, oo 81 jir ah, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in ay tahay “Mid uu ku faraxsanyahay” u adeegista qaranka balse ka harista loolanka doorashada ay “dan ugu jirto xisbiga iyo dalka”.
Ku dhawaaqista ayaa kusoo beegmaysa xilli buuq siyaasadeed uu hareeyay diyaar garowga doorasho ee Mareykanka, kaas oo ku billowday waxqabadkiisii iyo dood dhexmaray isaga iyo Donald Trump 27-kii June. Mr Biden ayaa sheegay in uu madaxweyne sii ahaan doono ilaa bisha Janaayo.
Kamala Harris, oo 59 jir ah, ayaa sheegtay in ay “sharaf u tahay” in ay matasho xisbiga iyadoona hadalka ku dartay in ay “kasban doonto oo ay ku guulaysan doonto magacaabistan” ayna midayn doonto dalka.