Google search engine
HomeWararka MaantaBiyo xireenka Mai Mahiu ee mara bartamaha dalka Kenya oo jabsaday sababayna...

Biyo xireenka Mai Mahiu ee mara bartamaha dalka Kenya oo jabsaday sababayna daadad

Sahan media Muqdisho: Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya waxay sheegtay Talaadadii in la bilaabay hawlgal baaritaan ah ka dib markii uu qarxey biyo xireenka Mai Mahiu ee bartamaha dalka maalin ka hor. Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen roobab mahiigaan ah oo todobaadyadii la soo dhaafay ka da’ayay bariga Afrika.

Ugu yaraan 46 qof ayaa la soo wariyay in ay dhinteen subaxnimadii isniinta ka dib markii uu dillaacay biyaxireenka uu sababay dhiiqo iyo daadad ka dhacay Mai Mahiu, wasaaraddu waxay ku sheegtay warbixin in Dadkii ka badbaaday ay ku tilmaameen weerar biyo ah oo qaaday guryo, baabuur iyo jidad tareen.

Konton iyo saddex qof oo ku sugnaa Mai Mahiu ayaa la sheegay in la la’yahay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Dhanka kale, Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in liiska baadigoobka ay hayaan warbixino sheegaya in 76 qof la la’yahay.

Gobolka bari ee Gaarisa oo ay ku dhinteen afar qof kadib markii doonidii ay la socdeen dabayaaqadii todobaadkii hore 23 kalena laga soo badbaadiyay daadad ayaa la sheegay in la la’yahay 16 qof.

Ugu yaraan 169 qof ayaa ku dhintay guud ahaan Kenya iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayeen bariga Afrika tan iyo bartamihii bishii March, kuwaasoo sababay fatahaado iyo masiibo kale.

In ka badan 185,000 oo Kenyan ah ayaa laga saaray guryahoodii. Boqolaal kun ayaa lagu dilay halka boqolaal kun ay ku barakaceen dalalka deriska la ah Tanzania iyo Burundi.

Saynis yahanadu waxay sheegeen in isbeddelka cimiladu uu keenayo dhacdooyin cimilo oo aad u daran oo soo noqnoqda.

Ugu yaraan 120 qof ayaa ku dhintay Kenya dabayaaqadii sannadkii hore daadad ka dhashay ifafaalaha cimilada El Nino. Roobabkaas ayaa daba socday abaartii ugu darneyd ee qeybo badan oo ka mid ah Bariga Afrika soo mareen muddo tobanaan sano ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments