Google search engine
HomeWararka MaantaWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Baxrayn

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Baxrayn

Sahan media Muqdisho:Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay dhiggisa Baxrayn Dr. Abdullatif bin Rashid Al Zayani, oo ku saabsanaa kal-fadhiga saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta ee dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan, oo shalay ku qabsoomay Dooxa.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee adag ee ka dhaxeeya labada dal, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac si looga shaqeeyo danaha guud.

Waxay sidoo kale isweydaarsadeen aragtiyo la xiriira horumarka gobolka ee hadda jira, iyo dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin Marinka Gaza, ilaalinta rayidka iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo ee dadka rayidka ah, iyo sidoo kale bilaabida geeddi-socod lagu dhisayo nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Qabanqaabada socota ee Shir Madaxeedka 33-aad ee Wadamada Carabta, oo lagu wado in ay qabato Boqortooyada Baxreyn 16-ka May, marka laga soo tago ajendaha Shir Madaxeedka ayaa sidoo kale dib loo eegay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments