Sahan Media Muqdisho: Burcad-badeed ku sugan xeebta deegaanka Garmaal ee degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay duqeyn lagu dilay afar nin oo la sheegay in ay kamid ahaayeen koox afduubatay markab ganacsi oo xamuul ah.
Mid ka mid ah burcad-badeedda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddex maalmood ka hor ay markabkan ku qabsadeen agagaarka xeebta Garmaal. Sida uu sheegay Turkiga oo xiriir la lahaa markabkan ayaa maalin kaddib duqayn ku dilay  dhowr qof oo saarnaa Saxiimad ku sugnayd xeebta deegaankaas.
Ninkan ayaa ku andacooday in duqeyntaas lagu dilay dhowr qof oo rayid ah, isagoo dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeeyay inay si aan kala sooc lahayn u beegsadeen kalluumaysatada iyo dadka ku nool deegaanka.
Markii la weydiiyay sababta ay maraakiibta u qabsadaan, wuxuu sheegay in xaaladaha dhaqaale iyo saboolnimada deegaanka ay ku kallifaan falalka burcad badeednimada. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay maraakiib shisheeye inay si sharci-darro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay, qaar ka mid ah maraakiibta ay qabsadeen waxay ka diiwaangashnaayeen dalal shisheeye. Wuxuu sheegay in maraakiibtaasi aysan haysan oggolaansho ay kaga hawlgalaan biyaha Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay markabka ay hadda haystaan iyo maraakiibta kale ee lagu hayo deegaanka ku dhow, ayuu sheegay in kooxaha saaran maraakiibta aysan ahayn hal koox oo si toos ah u wada shaqaysa, balse ay leeyihiin xiriir iyo heshiisyo dhexdooda ah.
Ugu dambeyn, ninkan ayaa sheegay in dadka saaran maraakiibta aysan wax dhibaato ah kala kulmi doonin kooxaha, haddii aysan iyaguna wax dhibaato ah geysan.


