Sahan media Muqdisho: India ayaa keeni doonta maxkamadna soo taagi doonta 35 burcad badeed Soomaali ah oo ay ciidamadooda badda ku qabteen markab laga qafaashay xeebaha Soomaaliya, sarkaal ka tirsan ciidamada badda ayaa sheegay in ay ka baxayaan caado ay beryahan dambe ku bad baadiyeen maraakiibta iyo shaqaalaha la socda balse ay burcad-badeedda hubka ka dhigis ku sameeyaan badda.
Burcad badeeda la qabtay ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan dalka Hindiya maalinta sabtida ah, waxaana lagu wareejin doonaa hay’adaha sharciga, sida uu sheegay sarkaalka. Waxa uu ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo maadaama aan loo fasaxin inuu la hadlo warbaahinta. Ilaa hadda ma cadda eedeymaha dhabta ah ee lagu soo oogay burcad-badeedda, ayuu hadalkiisa ku daray.
Ciidamada Kumaandooska ee Hindiya ayaa ku guuleystey in ay siidaayaan markabka ganacsi ee MV Ruen oo ka babanaaya calanka Malta sabtidii, kaasi oo 14-kii bishan ay burcad badeed Soomaali ah ka afduubteen meel 450 nautical miles bari ka xigta magaalada Socotra ee waqooyiga badda Carabta.
Waxay noqonaysaa afduubkii ugu horreeyay ee markab ganacsi oo ay burcad badeedda Soomaalida u geystaan tan iyo sannadkii 2017. Xilligii ugu badnaa ee burcad badeedda, ciidamada badda ee Hindiya ayaa maxkamadeyn jiray, xabsigana ku xiri jiray burcad badeedda Hindiya ee ku lug leh weerarrada waaweyn, balse bilihii ugu dambeeyay ciidamada badda ayaa qaadayay in burcadbadeedda loogu tago badda. Burcad-badeedda markabka Ruen ayaa noqonaya tii ugu horreeyay ee Hindiya lagu xukumo muddo sannado ah, ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.
Sarkaal ka tirsan India ayaa sheegay in tan iyo markii la afduubay Ruen, ciidamada badda ay gobolka ku hayeen “hawlaha la socodka joogtada ah” iyagoo isticmaalaya hawada sare iyo macluumaadka laga soo ururiyay maraakiibta kale ee ay baarayeen.
Sargaalka u hadlay ciidamada badda ayaa sheegay in burcad badeeda ay u badaleen Ruen markab hooyo,iyaga oo adeegsanaya doomo ay ku weeraraan maraakiibta kale. Waxaa la qabtay 15-kii Maarso, ciidamada badda ayaa bayaan ku sheegay Sabtidii.
Markab kale oo ganacsi oo lagu magacaabo MV Abdullah ayaa todobaadkii hore laga afduubtay Soomaaliya, waxaana ciidamada Soomaaliya ay qorsheynayeen in ay weerar ku qaadaan ciidamada badda ee shisheeye. REUTERS