Sahan Media Muqdisho: Howlgalka EUNAVFOR ee lagu sugayo ammaanka Geeska Afrika ayaa soo saaray digniin ku saabsan dhacdo kale oo looga shakisan yahay burcad badeednimo, taasoo dhacday bishii labaad ee sanadkan, taasoo ku lug leh doon laga leeyahay Soomaaliya. EUNAVFOR Atalanta ayaa ku warameysa in lagu wargeliyay shilka tuhmanaha ah ee dhacay 17-kii Febraayo, ayna wadaan baaritaan.
Faah faahin yar ayaa ilaa hadda laga bixiyay weerarkan ugu dambeeyay marka laga reebo kii ka dhacay deegaanka Garmaal (Puntland), oo Atalanta ay ku soo waramayso inay ku dhowdahay Eyl, halkaasoo weeraro hore ay ka dhaceen. Waxay ku taal xeebta waqooyi ee Puntland oo ah maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.
Doonta laga shakisan yahay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka babanaayay calanka Yemini. Atalanta ayaa la shaqeysa ciidamada ilaalada xeebaha Yemen iyo ciidamada badda Puntland iyo sidoo kale ciidamada isku dhafka ah ee caalamiga ah.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay toban maalmood ka dib weerar kale oo ay budhcad-badeedu ku qaadeen doon laga leeyahay dalka Yemen oo lagu magacaabo Al Najma. Markabka oo ay saarnaayeen 12-shaqaale ah ayaa lagu qabtay meel ku dhow Ely 9-kii bishii Febraayo, ciidamada badda Midowga Yurub ayaa billaabay baaritaan ay ku baadigoobayaan markabka, markii ay u soo dhawaadeen doonida ayay burcadbadeeddu baxsadeen kaddib markii ay dhac u geysteen shaqaalihii markabka. Waxaa la xoreeyay 13-kii Febraayo.
Labadii shil ee dhowaa ka dib, Operation Atalanta waxa ay si adag ugu talinaysaa baayacmushtarka iyo maraakiibta kale ee nugul in ay iska diwaan galiyaan mareegaha Xarunta Badbaadada Badaha ee Badweynta Hindiya (MSCIO) iyo Qorshaha Diiwaangelinta Iskaa wax u qabso ah (VRS). Atalanta ayaa sheegtay in tani ay bixin doonto la socodka iyo jawaabta ugu waxtarka badan ee ciidamada ATALANTA iyo la-hawlgalayaashooda si looga hortago khataraha amniga badda.
Shalay, waxa ay sidoo kale iftiimisay dadaalladeeda socda iyada oo loo marayo waxa ay ugu yeertay “Habab Saaxiibnimo.” Kooxaha Atalanta waxay si toos ah ula shaqeeyaan ragga kalluumeysiga ee badda, iyagoo siinaya hagitaan ku saabsan tallaabooyinka amniga, fahamka caqabadaha, iyo xoojinta kalsoonida lagu qabo marin-biyoodka.
Xogta Atalanta ay bixiso mar mar ma istiraahdaa iyadaa abuurta?