Google search engine
HomeWararka MaantaCiidanka Sudan oo dib ugala wareegay RSF inta badan caasimadda Khartoum

Ciidanka Sudan oo dib ugala wareegay RSF inta badan caasimadda Khartoum

Sahan Media Muqdisho: Milateriga Suudaan ayaa qabsaday buundada weyn ee isku xirta bariga caasimadda Khartoum ee dhanka koonfureed, maalmo kadib markii ay dib ugala wareegeen gacan ku heynta qeybteeda waqooyi oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Rapid Support Forces (RSF).

Iyadoo colaadda Suudaan ay socotay labadii sano ee la soo dhaafay, ciidamada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay dib uga soo ceshadeen kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda caasimadda iyo deegaannada ku xeeran.

RSF waxay weli gacanta ku haysaa qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah, sida suuqa dhexe, madaxtooyada, iyo qaar ka mid ah degmooyinka koonfurta iyo galbeedka.

Waxa kale oo ay gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah gobolka dhexe ee Kordofan oo ah inta badan gobolka galbeedka ee Darfur,waxana ay ku go’doomiyeen ciidamada iyo xulafadooda magaalada el-Fashir ee xarunta waqooyiga Darfur.

Dadka deegaanka iyo dhakhaatiirta caafimaadka ayaa Jimcihii sheegay in RSF ay weerartay xerada barakaca ee Zamzam oo macluushu ku habsatay, oo ku taal koonfurta El-Fashir, iyada oo kooxdu ay isku dayday in ay sii xoojiso qabsashada gobolka Darfur.

Qiyaastii 11.4 milyan oo rayid ah ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii uu dagaalku billowday Abriil 2023. Saddex milyan ayaa qaxooti ku ah waddamada deriska ah, halka in ka badan siddeed milyan ay ku barakaceen gudaha.

“Wadamada dariska la ah Suudaan waxay sheegeen inay doonayaan in colaadda la joojiyo, “Dadaallo nabadeed ayaa laga sameeyay Jeddah, Qaahira, Addis Ababa, Geneva iyo meelo kale. Laakin dhamaantood waa ay fashilmeen.

“RSF iyo ciidankuba waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin inay wada hadlaan laakiin shuruudo aan la aqbali karin ayay wataan dhinacyada iska soo horjeeda.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments