Sahan Media Muqdisho: Wadahadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa maanta oo Talaado ah ka furmay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.
Wadahadallada oo ay maalgelisay Boqortooyada, ayaa ujeeddadoodu tahay in lagu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya labada waddan, waxayna qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Riyadh ee lagu horumarinayo amniga iyo nabadda adduunka.
Kulanka oo ka dhacay Qasriga Diriyah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdalla, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio.
Rubio waxaa ku wehliyey la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Mike Waltz iyo ergeyga gaarka ah Steve Witkoff, halka Lavrov uu garab fadhiyey la taliyaha arrimaha dibadda ee Kremlin, Yuri Ushakov.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Sacuudiga, Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Dr. Musaed bin Mohammed Al-Aiban.