Sahan Media Muqdisho: Nin lagu magacaabo Mordechai Brafman oo toogasho ku dhaawacay aabe iyo wiil uu dhalay oo ku sugnaa xeebta magaalada Miami ee dalka Mareykanka ayaa booliska u sheegay inuu u toogtay maadaama uu u maleeyay inay Falastiiniyiin yihiin.
Sida laga soo xigtay Miami Herald, foomka lagu xiray Brafman ayaa lagu sheegay in uu ‘si kedis ah u sheegay in isagoo kaxeynayay gaarigiisa, uu arkay laba Falastiini ah oo uu toogtay oo dilay labadaba.
Dhanka kale, booliisku ma aysan sheegin in labada qof ee dhaawaca ah ee isbitaallada la dhigay ay ahaayeen Falastiini balse wuxuu xusay inay ka yimaadeen Israa’iil.
Weeraro kala duwan oo rabshado wata oo lagu qaaday Falastiiniyiinta ayaa laga soo sheegayay Mareykanka tan iyo markii Israa’iil ay dagaal ku qaaday Qaza.
Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, haweeney 42 jir ah, Elizabeth Wolf, ayaa la sheegay in ay isku dayday in ay ku qarqso gabar saddex jir ah oo Falastiini-Maraykan ah gudaha Texas.