Sahan media Muqdisho: Halkan wax xabbad-joojin ah kama dhacayo Suudaan bisha barakeysan ee Ramadaan ilaa ay kooxda Rapid Support Forces (RSF) ka baxaan guryaha iyo goobaha rayidka, ayuu yiri General Yasser Al Atta oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Suudaan.
Hadalkan ayaa daba socda codsi ka yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan xabbad joojinta bisha Ramadaan, taasoo billaabanaysa toddobaadkan. RSF-ta militariga ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan baaqa xabbad joojinta.
Bayaanka Atta, oo laga soo saaray kanaalka rasmiga ah ee ciidanka, ayaa lagu sheegay horumarada militari ee dhawaan ay ciidamadu ka sameeyeen Omdurman, oo kamid ah caasimadda guud ee Sudan.
Waxay sheegtay inaysan jiri karin xabbad-joojin bisha Ramadaan ilaa RSF ay u hoggaansanto ballan-qaadkii bishii May ee sannadkii hore ee wadahadalladii Sucuudiga iyo Maraykanku dhexdhexaadiyeen ee Jeddah ee ahaa inay ka baxaan guryaha rayidka ah iyo xarumaha dadweynaha.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in uusan jirin door uu ku yeelan karo Mohamed Hamdan Dagalo, hogaamiyaha RSF ee loo yaqaano Hemedti, siyaasadda mustaqbalka ama militariga Suudaan.
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo RSF ayaa qarxay bartamihii bishii April ee sanadkii 2023-kii, iyadoo ay jirto xiisad ka dhalatay qorshe loogu wareejinayo xukunka rayidka. Labadan kooxood ayaa sanadkii 2021-ka sameeyay afgambi ka dhan ah is bedelkii hore ee dhacay ka dib markii xilka laga tuuray hogaamiyihii hore ee Al-Bashiir 2019-kii.