Sahan Media Muqdisho: 17-kii Luulyo Claudia Carolina Rodriguez ayaa joogtay garoonka diyaaradaha ee Fort Lauderdale ee gobolka Florida, iyadoo doonaysay inay raacdo diyaarad gudaha dalka ah, sida ay horeyba u samayn jirtay.
Haweeneydan u dhalatay dalka Venezuela, oo 28 jir ah, ayaa tiri: “Waxaan joogay iridda laga raaco diyaaradda markii, daqiiqado ka hor inta aanan raacin, ay i joojiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE), iyagoo iga codsaday inaan soo bandhigo dukumeentiyada aqoonsiga.”
“Iyagoon ii soo celin dukumeentiyadaydii, waxay sheegeen inay u baahan yihiin inay i weydiiyaan su’aalo ku saabsan kiiskeyga socdaalka,” ayay ku tiri wareysi ay siisay BBC Mundo, iyadoo tixraacaysa kiiska socdaalka ee socday tan iyo markii ay codsatay magangelyo sannadkii 2017-kii.
Rodriguez ma aysan raacin diyaaradda. Waxay markaas ka dib muddo ka badan laba toddobaad ku qaadatay xabsiga dadka socdaalka ah lagu hayo, waxaana lagu sii daayay dammaanad maalmo ka hor, iyadoo ay jireen cadaadis dadweyne iyo taageero uga timid xildhibaanadda xisbiga Dimuqraadiga Debbie Wasserman Schultz.
Kiiskeedu waa tusaale waxa ururo dhowr ah iyo qareennada arrimaha socdaalku ay ku tilmaamayaan inay tahay kororka xiritaanka dadka ee garoomada diyaaradaha Mareykanka; kuwaas oo ay ku jiraan dadka ay ka dhaceen fiisayaashoodu balse leh kiisas socdaal oo weli socda, sida codsiyada magangelyada ama degganaanshaha rasmiga ah.


