Sahan media Muqdisho: Faah Faahino ayaa ka soo baxaya baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus maanta ka dhacay duledka Magaalada Kismaayo . Dagaalka ayaa u dhexeya ciidanka maamulka Jubland iyo Alshabaab waxana uu ka socdaa degaanka Baar sanguuni ee gobolka Jubabada Hoose.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Ciidamada Jubbaland ay saakay Waabarigii u ruqaansadeen Deegaanka Baar Sanguuni oo ay Ciidamada Markii hore Fatahaado ugasoo baxeen Balse maanta ay laba jiho Ciidamada ka weerareen Deegaankaas halkaas oo dagaal adag ay kula galeen Alshabaab. Ciidamada Jubland ayaa ka gudbay dhanka Webiga halka Ciidamada qaarna ay Mareen Wadada Laamiga ee ka timaada dhanka Magaalada Kismaayo oo Fatahaadaha ay burburiyeen.
Wararka ayaa sheegaya ion dagaalka ka dhacay baarsanguuni uu sababay Dhimasho iyo Dhaawac labada dhinac ah. Saraakiil ka tirsan ciidanka jubalnad ayaa sheegay in Alshabaab khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalkaas sidoo kalana ay ku qabsadeen Laba qori BKm ah hal qori oo RPG ah iyo 8 qoriga AK47 ah iyagoo sidoo kale halkaas ku dilay 4 Xubnood oo ka tirsan Alshabaab waa sida ay hadal u dhigeen saraakiisha ciidanka maamulka Jubland.
Dhinaca kale saraakiisha Jubland ayaa sheegay in khasaaraha dhankooda uu kooban yahay hal Askari kaliya uu uga dhaawacmay dagaalkaas mana sheegin khasaaraha dhimasho ee soo gaaray ciidankooda . Dagaalka ayaa weli ka soconaya Deegaanada Waqooyi ee Kismaayo gaar ahaan laamiga iyo Dhinaca Wabiga.