Sahan media Muqdisho: Qof shacab ah ayaa lagu dilay isgooska Siinaay ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ka dib rasaas ay fureen ciidamada amniga ee dowladda. Dad caraysan ayaa banaanbax ka dhigayay isgoyska Siinaay kaasi oo ay ku diidanaayeen xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada. Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya banaanbax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Waxaa naga maqan xuquuq oo aan u doodeynay, meeshaan ayaan banaanbax nabadeed ku heysanay Seynab Xaabseyn waa nasoo weerartay, taliyaha saldhigga ayay noosoo dirtay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka dhigayay dibadbaxa.
Xuquuqdeena ayaan u baahanahay, kursigeenna ayaan rabnaa, waxaana iska leh Beesha Macallin Dhiblaawe” ayay iyaduna tiri hooyo kale oo kamid ah dadka deegaanka.
Dibad-baxa oo ay dhigayeen dadka deegaanka ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay.