sahan media Muqdisho: Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneyl Qaasin Axmed Rooble oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in 7-qof loo soo qabtay dilkii ganacsade Abuukar oo laga afduubtay xili habeen ah degmada Heliwaa, kadibna meydkiisa laga helay degaanka Garasbaaley.
“Geerida wiilkaas waa mid aad u xanuun badan, baaritaanka kiiskaas sida boolisku ugu dadaalay ma jiro kiis loogu dadaalay, waxaa loo soo qabtay 7 qof oo taliyihii booliska Heliwaa uu ku jiro, Cabdifitaax ayaa la dhahaa ninkaas, afar askari iyo labo shacab ah ayaa la eedeysan oo lasoo xiray,” ayuu yiri Afhayeen Qaasin Rooble.
Wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi kala yihiin taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye, afar askari oo ilaaladiisa ah iyo labo qof oo shacab ah, kuwaas oo toos loola xiriirinayo kiiskaas dilka ah.
“Taliyaha qeybta guud ee booliska ayaa soo qabtay ninkaas iyo askartiisa wuxuu geeyey CID, waxaa u timid xeer ilaalinta, waxaa kiiska loo xil-saaray guddi, sharciga ayaa la waafajiyey, waana maxkamad sugayaal eedeysanayaashaas,” ayuu yiri Afhayeen Qaasin Rooble.
Afhayeenka ayaa sheegay in raggaas la horgey doono maxkamad, markii ay soo dhamaadaan baaritaanada ku socda, isagoo hoosta ka xariiqay in boolisku kiiskaas dabagalkiisa ay awoodda isugu geeyey.