Laba nin oo hubeysan oo da’doodu u dhaxayso 17 iyo 18 ayaa weerar toogasho ah ku qaaday masaajidka magaalada San Diego ee koonfurta California, iyagoo dilay saddex nin ka dibna istoogtay.
Toogashadu waxay dhacday subaxnimadii Isniinta, laba saacadood kadib markii hooyada mid ka mid ah eedeesanayaasha ay booliiska wacday iyadoo u sheegtay in wiilkeedu isla soo baxsadeyn saaxiibkiis isla markaana ay uga shakisan tahay inuu irabo inuu isdilo.
Intii ay socday baadi-goobka wiilasha ayuu bilowday weerarka ka dhacay masaajikda, waxayna bannaanka hore ee dhismaha ka heleen booliiska saddex qof oo dhaawacyo rasaas qaba.
Saraakiisha booliska ayaa gaari yaallay meel cabbaar u jirta masjidka ka helay eedeesanayaasha oo meyd ah, kuwaas oo da’ dooda lagu sheegay 17 iyo 18 sano.
Dadka dhintay waxaa ku jiray mid kamid ah waardiyeeyshii masjikda, kaas oo masuuliyiintu sheegeen inuu “door muhiim ah” ka qaatay sidii loo xakamayn lahaa weerarka”.
Duqa magaalada San Diego Todd Gloria ayaa cambaareeyay toogashadii ka dhacday masaajidka ugu weyn magaalada San Diego, isagoo ku tilmaamay “fal uu ku dheehan yahay muslim nacayb.”


