Sahan Media Muqdisho: Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Israel ayaa isku afgartay qorshe diblomaasiyadeed oo cusub, kaas oo dhigaya in Israa’iil safaaraddeedii ugu horreysay ka furato magaalada Hargeysa, halka Somaliland-na ay safaarad ka furato magaalada Quddus ee la haysto, sida uu sheegay Safiirka Somaliland ee Israa’iil, Maxamed Xaaji, oo sheegay in labada dhinac ay wadaan wada-hadallo ku saabsan xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo iskaashiga labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil ayaa sidoo kale xaqiijiyey qorshahaasi, isaga oo sheegay in Somaliland ay noqon doonto maamulkii siddeedaad ee safaarad rasmi ah ka furta magaalada Quddus, iyadoo Yuhuuddu Magaaladaasi ugu yeertaa “Jerusalem” waxayna u aqoonsan tahay caasimaddeeda rasmiga ah.
In ka badan 160 waddan oo xiriir diblomaasiyadeed la leh Israa’iil ayaa safaarado ku leh magaalada Tel Aviv, halka toddobo waddan oo keliya ay safaaradahooda u wareejiyeen Quddus, iyaga oo u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Dalal badan iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa weli ku adkeysanaya in xaaladda magaalada Quddus lagu go’aamiyo wada-hadallada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.
Dhanka kale, maamulka Falastiin iyo dalalka Islaamka ayaa magaalada Quddus u aqoonsan caasimadda mustaqbalka ee Falastiin, iyaga oo kasoo horjeeda tallaabo kasta oo xoojin karta gacanta Israa’iil ku hayso magaaladaasi.


