Google search engine
HomeWararka MaantaDowladda Talyaaniga oo qorsheyneysa in ay kulansiiso Xasan sheekh iyo Abiye Ahmed

Dowladda Talyaaniga oo qorsheyneysa in ay kulansiiso Xasan sheekh iyo Abiye Ahmed

Sahan media Muqdisho: Dawladda Talyaaniga ayaa Marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika iyo Talyaaniga.

In ka badan kala bar dalalka qaaradda Afrika ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkan oo todobaadkan lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma, waxaa ilaa hadda casumaadda aqbalay 15 madaxweyne iyo 8 ra’iisul wasaare. Waxaa kaloo jira wakiillo ayagana ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, iyo wufuud guud ahaan tiradooda lagu sheegay 57 wafdi.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan sheegayaan in ujeedka shirku yahay in dawladda talyaaniga ay dalalkaas Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei, Qorshaha Mattei oo dadka u dhuundaloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu la mid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida ka dib dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd.

Waxaa la sheegayaa in ay suurtogal tahay in talyaanigu “u kala dab qaado Soomaaliya iyo Itoobiya muddada shir madaxeedku socdo ama ay dhici karto in kulamo aan rasmi ahayn ay yeeshaan, bacdamaa shir madaxeed laga wada qayb galayo, casho sharafna la isugu imaan doono habeenka Axadda, taasoo uu marti qaadkeeda fidiyey madaxweynaha Talyaaniga ”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments