Sahan media Muqdisho: Madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag waxa uu uga hor-yimid wax ka badalka dastuurka ee ay waddo dowladda Xasan Sheekh.
Hogaamiyaha waqti-xaadirkan haya jagada ugu sareysa dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayuu si gaar ah ugu eedeeyay inuu qorayo dastuur cusub, iyadda oo aysan u dhammeyn saamileyda siyaasadda.
Talaabadan ayuu hoosta ka xariiqay in ay keeni karto kala qeyb-sanaan baahsan xilli dalka uu u baahan yahay midnimo iyo wadajir uu ku wajaho la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.
“Dastuurka in la dhameystiro cid diidan ma jirto laakiin dastuur cusub looma baahna. Marka waxaa ku talinayaa in arrinka Dastuurka ay dadka isku keento balse looma baahna in ay kala geyso,” ayuu ka shanqariyay. Farmaajo.
Farmaajo ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in haddii si aan heshiis lagu ahayn lagu meelmariyo dastuurka in Talaabadan ayuu hoosta ka xariiqay in ay keeni karto kala qeyb-sanaan baahsan xilli dalka uu u baahan yahay midnimo iyo wadajir uu ku wajaho la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.
Farmaajo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in haddii si aan heshiis lagu ahayn lagu meelmariyo dastuurka cusub waxa uu ku goodiyay in qof walba tuuladii uu ka yimid ku laaban doono.