sahan media Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland oo BBC-da lahadlay ayaa sheegay in ay ka warqabaan in markabku kusoo wajahanyahay xeebaha Puntland qorshena ka leeyahiin.
“Annagu howlgal rasmi ah oo aanu kula wareegayno gaadiidka iyagana aanu ku xidhayno kuna marinayno shuruucda [ayaan leenahay]. Marka annaga istiraatijiyaddayaddu waxaa weeye in ayna xeebahayagu noqonin bahallo galeen lala yimaado gaadiidka badaha lagu soo afduubto ayaa naga go’an”
Shirkadda markabka iskaleh ayaa sheegtay in ay maanta dedaallo badan samaysay sidii kusoo badbaadin lahaayeen shaqaalaha markabka, iyagoo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ee maraakiibtoodu badaha ka howlgalaan. waxay sheegeen in ilaa maanta xiriir toos ah ayna la yeelan shaqaalaha markabka.
Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in qoyaysaska shaqaalaha markabka saaran ay talaadadii isa soo dhoobeen xafiiska shirkaddu ku leedahay gudaha magaalada Chittagong ee dalka Bangladesh.
Markabkii ugu danbeeyay ee laga leeyahay dalkaan Bangladesh ee lagu afduubto xebaha Soomaaliya waxuu ahaa sanadkii 2010 kii, kaas oo lacag culus oo madax furasho ah markii laga bixiyay lahaystayaasha lasii daayay 100 maalmood kadib.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh Xasan Maxmuud oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay la xidhiidhaan budhcadda, iyaga oo adeegsanaya gacan labaad.
Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’addaha sirdoonka dalka arrinta aad uga shaqaynayaan isagoo xusay in Ra’iisul Waaraha dalku aad uga walaacsanyahay dhacdada.
Markabkaan la afduubtay ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay ‘Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca ‘MV Abdullah’.
Markabkan hadda la afduubtay, ayaa waxaa saaraa sida la sheegay dhuxul waxaana markabka lagu magacaabaa MV Abdullah.
Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.
Afduubka markabkaan ayaana imaanaya xilli maraakiibta maraysa Gacanka Cadan ay sidoo kale weeraro joogto ah kala kulmaya weerar joogto ah Xuutiyiinta Yemen.