Google search engine
HomeWararka Maantakulankii 25aad ee labada aqal ayaa ku qabsoomay Muqdisho

kulankii 25aad ee labada aqal ayaa ku qabsoomay Muqdisho

sahan media Muqdisho: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad iyo labaad oo la gudo galay maalintoodii labaad, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments