Google search engine
HomeWararka MaantaWakaaladda Horumarinta Faransiiska (AFD) oo la kulantay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Wakaaladda Horumarinta Faransiiska (AFD) oo la kulantay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Wakaaladda Horumarinta Faransiiska (AFD) waa hay’ad dadweyne oo gebi ahaanba ay leedahay Dawladdu. Sida hay’ad maaliyadeed oo khaas ah, waxay ku shaqeysaa qodobbada xeerka lacagta iyo maaliyadda ee lagu maamulayo xarumaha bangiyada.

 Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa tagay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas oo uu u tagay ka qaybgalka iyo wada xaajoodka Wadamada ku bohoobay (𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛) oo in ka badan hal bilyan ka cafiyay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa safarkiisa ay ku wehliyeen guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Waxa ay kulan muhiim ah la qaateen madaxda sare ee Hey’adda Horumarinta France ee magaceeda loo soo gaabiyo ‘AFD Agence Francaise de Devoloppement’ taas oo ka shaqeysa horumarinta Dhaqaalaha Dalalka soo koraya, sidoo kalena ka mid ah Hey’adihii Soomaaliya Deynta ka cafiyay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda laagu saaray isbadalka maaliyadeed ee Soomaaliya ka jira, qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya iyo hannaanka maalgalineed ee suuragalka ah, kaas oo mudnaan gaar ah u leh dib-u-habeynta iyo wax soo saarka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments