Sahan media Muqdisho: Golaha Wasiiradda ayaa meelmariyay heshiiskan Febraayo 2023 balse looma gudbin baarlamaanka federaalka. Markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis iskaashi ciidan oo ay la galeen Imaaraadka Carabta bishii Febraayo 2023, Muqdisho ayaa lugaha la gashay siyaasadeed.
Xildhibaano qaarkood mucaarad ku ah maamulka haatan xilka haya ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu liddi ku yahay garanimada Soomaaliya.
Heshiiska, oo ay aragtay Isha Bariga Dhexe ayaa Imaaraadku u ogolaanaya in gudaha Soomaaliya ay “fuliso hawlgallada milatari iyo amniga, oo ay ku jiraan hawlgallada dhulka, badda iyo cirka, kuwaas oo ay u aragto in ay ku habboon yihiin, si loo cirib tiro argagixisada”.
Xukuumadda Abu Dhabi ayaa sidoo kale waxa uu heshiiskaas aanan lala wadaagin dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu u fasaxayaa inay “isticmaasho dhulka” Soomaaliya.
Imaaraadku “waxa uu xaq u leeyahay in uu isticmaalo dekedaha dhulka, dekedaha badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” oo uu ka samaysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato.
Qodobka ugu layaabka badan ee ku jira heshiiskan ayaa waxa uu yahay in gebi ahaanba xasaanad la siiyay ciidamada Imaaraadka, taasoo ka careysiisay Soomaalida.
“Dhammaan dadka ka shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah mas’uuliyad calami ah, sharci ama maamul gudaha Soomaaliya,” ayuu geexayaa heshiiska.
Heshiiska wuxuu intaas ku darayaa: “Shaqsiyaadka ku shaqeeya heshiiskan laguma soo oogi karo hab-raac heer qaran ama calami ah ama dacwad ama codsi xukun oo iyaga ka dhan ah” gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro dhaqangelinta heshiiska.
Isla markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiiska, Imaaraadku waxa uu dalka dib ugu soo celiyay qaar ka mid ah ciidamadii Soomaaliyeed ee uu ku tababaray Uganda.
Bil ka dib, ciidamada Imaaraatka ayaa sidoo kale bilaabay in gudaha Soomaaliya ay dhistaan saldhig cusub gaar ahaan Koonfurta gobolka Jubaland. Tani waxay dhalisay su’aallo aan wali loo helin jawaabo rasmi.