Sahan media Muqdisho: Madaxweynihii dalka Iiran Ibraahim Raiisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo Sagaal qof oo uu ku jiro barasaabka gobolka ayaa la socday markii ay diyaaraddu ku dhacday waqooyiga gobolka Asarbayjan ee bariga Iran.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaanno, waxaana ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.
Saacado badan ayuu qaatay baaritaanka ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceer-yaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.
Markii uu oggolaaday hoggaamiyaha Iran Ayatollah Cali Khamenei, ku xigeenkii Ibraahim Raiisi oo lagu magacaabo Maxamed Mokhbar ayaa noqonaya madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Iran.
Waxa uu xilkan hayn doonaa muddo laba bilood ah.
Sida uu qabo dastuurka Iran qabo, doorashada madaxtinimo ee Iran ayaa mar kale la qaban doonaa 50-ka maalmood ee soo socda.
Ibraahim Raiisi, isagoo 63 jir ah, ayaa loo doortay madaxweyne isku daygiisii labaad sanadkii 2021-ka. Waxaa loo arkayay wadaad mayal adag, waxaana sidoo kale loo arkayay inuu ahaa nin bedeli kara Ayatollah Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaas tan iyo 1989-kii.
Sannadkii 2019-ka, Hoggaamiyaha Sare waxa uu u magacaabay jagada ugu awoodda badan ee madaxa garsoorka. Raiisi ayaa sidoo kale noqday guddoomiye ku xigeenka Golaha Khubarada, oo ah 88 xubnood kana tirsan guddiga wadaaddada ah ee u xilsaaran doorashada hoggaamiyaha sare ee soo socda.