Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir.
Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland.
Mr Delil, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya u soo magacawday qunsuliyaddooda Hargeysa horraantii sannadkii hore. Bishii March ee 2023 ayaa uuna Madaxweyne Muuse Biixi ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga.
Safiir Delil, ayaa hore uga soo shaqeeyey meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka soo noqday xoghayaha labaad ee wasaaradda.
Halka dhanka kale uu sida oo kale ka soo shaqeeyey safaaradaha Belguim ee dalkaas iyo ta Finland oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta siyaasadda ee sare.