Sahan media Muqdisho: Golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa khamiistii soo saaray bayaan ay ku aqoonsanayaan Bandhigga Toddobaadka Soomaaliyeed ee sannadlaha ah.
Munaasabadda toddobaadlaha ah ee billaabatay 2017-ka ayaa loo yaqaanaa tii ugu ballaarneyd ee nooceeda ah oo ka dhacda meel ka baxsan Soomaaliya, ayuu yiri Xildhibaan Jamaal Cismaan.
Bandhiga Lake Street wuxuu leeyahay farshaxan, muusig, mood iyo cunto, ayuu yiri Maxamed Faarax oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha xafladda muddada dheer.
“Todobaadka Soomaaliyeed waa wax ka badan dabaal-degga, waa xuska maalinta xorriyadda Soomaaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo, 1960-kii, taasoo ka tarjumaysa taariikhda, xoogga iyo guusha shacabka Soomaaliyeed ee Maraykanka,” ayuu yiri Faarax.
Marka laga soo tago bulshada Soomaaliyeed, waxa ay noqotay goob dhaqan oo qof walba ku beddelanto, ayuu yiri Faarax.
“Waxa Minneapolis ka dhigaya mid xooggan waa dhaqamada yaabka leh ee aan ku leenahay guud ahaan magaalada,” ayuu yiri Faarax. Gobolka Minnesota ayaa ah halka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool dalka Mareykanka, iyadoo dadka ugu badan ay ku nool yihiin Minneapolis iyo bulshooyinka ku xeeran.
Intaa waxaa dheer, magaalada ayaa 1-da Luulyo loogu magac daray maalinta dhaqanka Soomaaliyeed ee Minneapolis. Xafladdu waxay bilaabanaysaa Juun 29. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa bogga Facebook ee Somali Week MN.