Sahan media Muqdisho: Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen laba doonyood oo ay wateen Xuutiyiintu iyo diyaarad aan duuliye lahayn oo dul maraysay Badda Cas 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Nin badmaax ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii markab xamuul ah oo marayey gacanka cadmeed lagu weeraray laba gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku garaaceen, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Maraykanka.
Badmaaxa dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loo dabiibo, iyadoo shaqaalihii la socday markabka MV Verbena ay ka qayb qaateen daminta dabkii qabsaday kaas oo ka soo baxayay sagxadda kore.
Markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Ukraine ayaa waxaa ka dul babanayay calanka Palau waxaana maamusho shirkad laga leeyahay dalka Poland.
War ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waxaa la go’aamiyay in nidaamyadan ay khatar ku yihiin Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga iyo sidoo kale maraakiibta ganacsiga ee gobolka.”
Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa horay u sheegtay in 24 saac gudahood ay weeraro ku qaadeen saddex markab oo uu ku jiro MV Verbena, “si ay uga jawabno dambiyada ka dhanka ah dadkeena Marinka Gaza, isla markaana ay jawaab u yihiin duulaanka gardarada ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay nagu hayaan.”
Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib weerar ay Xuutiyiinta ay taageerto Iran ay ku bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriiga oo marayey badda cas, waxaana weerarkan uu sababay in biyo badan ay gudaha u galaan markabka.