HomeWararka MaantaHadiyadihii Shiinaha oo laga shakiyay

Hadiyadihii Shiinaha oo laga shakiyay

Sahan Media Muqdisho: Saraakiisha Mareykanka iyo weriyeyaasha Aqalka Cad ayaa iska tuuray agab kala duwan oo loo siiyay hadiyad intii ay safarkooda ku jireen sida taleefoonnada (staff burner phones), calaamadaha aqoonsiga, (credential badges, and lapel pins issued by China) iyo biinanka uu Shiinaha soo saaray. Agabka ayaa lagu soo waramayaa in lagu dhex tuuray qashin la dhigay meel u dhow jaranjarooyinka diyaarada wax yar ka hor inta aan laga dhoofin madaarka caasimadda Beijing, sida uu sheegay wariye ku sugan Aqalka Cad.


“Wax ka yimid Shiinaha looma oggola diyaaradda,” Emily Goodin, weriyaha Aqalka Cad ee New York Post, ayaa ku qortay barteeda X. “Ka hor inta aan la raacin Air Force One, dhammaan wafdiga Mareykanka ayaa tuuray shay kasta oo ay siiyeen martigaliyayaasha Shiinaha. Hadyado, calaamado, biinanka, iyo alaabta xusuusta ayaa dhamaantood lagu tuuray qashinka meel aan kafogayn halka diyaaradda laga raaco.


Warar kala duwan ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha wafdiga Mareykanka aysan wadan qalab elegtaroonig ah oo shaqsi ah intii ay safarka ku jireen taas oo qayb ka ah taxaddarrada adag ee amniga internetka. Saraakiishu waxay si joogto ah u burburiyaan ama isaga dhiibaan aaladaha elegtarooniga ah iyo agabyada xasaasiga ah si ay uga hortagaan basaasnimada ama xogta wax u dhimi karta.

Intii lagu guda jiray booqashadii Trump iyo Xi ay ku tageen Macbadka Jannada ee Beijing (Temple of Heaven), wakiilka Adeegga sirta ee Mareykanka(Secret Service agent) oo la socday saxaafadda Mareykanka ayaa la sheegay in saraakiisha Shiinaha ay u diideen in ay galaan sababtoo ah wakiilka ayaa sitay hub qeyb ka ah hab-maamuuska amniga caadiga ah. Sida laga soo xigtay warbixinnada mareegaha, khilaafka ayaa sababay dib u dhac ku dhow 90-daqiiqo ka hor inta aan warbaahinta loo oggolaan.

In kasta oo booqashada si cad loogu soo bandhigay inay ahayd mid saaxiibtinimo, haddana waxaa jiray khilaaf weyn oo u dhexeeya labada quwadood oo ku saabsan arrimo waaweyn, oo ay ku jiraan isu dheelitir la’aanta ganacsiga, tartanka tignoolajiyada, Taiwan, iyo dagaalka ka socda Iran. Tani waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Trump uu ku tago Shiinaha ku dhawaad ​​toban sano iyo markii toddobaad uu si fool ka fool ah ula kulmo Xi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments